Dhaqso uga bax bogga!

Ma ka baqeysa in lagugu qasbo guur

Rädd för att bli tvingad att gifta sig - somaliska

Adiga keliya ayaa go'aansan kara inaad guursato iyo in kale. Qofna looma oggola inuu ku qasbo, ku qanciyo ama kugu khiyaaneeyo inaad guursato. Waa sharci darro. Weydiiso caawinaad haddii aad ka walwalsan tahay in tani kugu dhici karto. Wac 112 haddii aad u baahan tahay ilaalin iyo caawinaad deg-deg ah.

En person ser ledsen och funderande ut.
Waxaad heli kartaa caawinaad si aad uga fogaato in aad dibada laguu wado, haddii aad ka walwalsan tahay in laguugu guuriyo wadan kale.

Yaan weydiisan karaa caawinaad?

Waa kuwan talooyin ku saabsan sida loo helo caawinaad:

La xiriir urur taageero oo caawiya dhallinyarada halista ugu jira in lagu guuriyo, sida  (waxay bixisaa taageero luqado badan). Waxaa jira meelo badan oo aad la xiriiri karto adigoon magacaaga sheegin. Waxaad ka heli kartaa caawinaad halkan: taageero iyo caawinaad (linkiga bogga internetka ee Iswidhishka).

La hadal qof weyn oo aad ku kalsoon tahay. Tusaale ahaan, qof ka shaqeeya iskuulkaaga ama rugta caafimaadka ee dhalinyarada (ungdomsmottagning).

Wac booliiska 112 haddii ay tahay xaalad degdeg ah. Tusaale ahaan, haddii wax lagugu dhufanayo, lagu garaacayo, lagu xirayo, lagu hanjabayo ama lagugu qasbayo inaad u safarto dibadda.

Wac booliiska 114 14 haddii aysan ahayn mid degdeg ah.

Ka wac booliiska Iswiidhan +46 77 114 14 00 haddii aad dibadda joogtid ama aad ka soo wacayso taleefan leh lambar shisheeye.

Wac degmadaada oo weydii inaad la hadasho adeegyada bulshada. Waxaad ka heli doontaa lambarrada taleefannada dhammaan degmooyinka halkan: Macluumaadka xiriirka degmooyinka iyo gobollada Iswiidhan, SKR (linkiga bogga internetka ee Iswidhishka).

Waa sharci-darro in lagu qasabto qof inuu guursado.

Tani waxay khuseysaa Iswiidhan:

  • Waa inaad ka weyn tahay 18 sano si aad u guursato.
  • Labada qofba waa inay rabaan inay is guursadaan.
  • Labada qofba waa inay joogaan arooska oo ay yiraahdaan haa.
  • Qofna looma ogola inuu qof ku qanciyo, khiyaaneeyo ama ku qasbo inuu guursado. Waa dambi. Qof kasta oo sidan sameeya wuxuu geli karaa xabsi. Ma aha arrin muhiim ah inuu yahay waalid ama qaraabo kale.

Maka baqeysa in qasab lagugu dhex guuriyo wadan kale?

La xiriir booliiska ama adeegyada bulshada haddii aad ka walwalsan tahay in qasab lagugu guuriyo inta aad safar dibadda u jirto. Way ku caawin karaan si aadan uga bixin Iswiidhan. Waxay sidoo kale kaa caawin karaan inaad ka guurto guriga haddii loo baahdo. Waxaad heli kartaa caawinaad si aad u hesho meel ammaan ah oo aad ku noolaato haddii aad khatar ku jirto gurigaaga.

Person som ser ledsen och bekymrad ut.
Waxaad heli kartaa caawinaad si aad u hesho meel ammaan ah oo aad ku noolaato haddii aad khatar ku jirto gurigaaga.

Haddii ay tahay inaad u safarto dibadda

Way ku adag tahay maamulada Iswidhan inay ku caawiyaan haddii aad ku sugan tahay wadan kale. Gaar ahaan haddii aad joogto wadan ka baxsan Midowga Yurub. Haddii aadan haysan awood kala doorasho oo ay tahay inaad safarto, samee tan ka hor intaadan tagin.

  • Soo ururi macluumaadka muhiimka ah

    Qoro lambarrada taleefanka ee muhiimka ah. Kuwani waxay noqon karaan lambarrada taleefanka ee dadka ku nool Iswiidhan iyo waddanka aad u safrayso. Qoro faahfaahinta xogta lagala xiriiro dadka aad u malaynayso inay ku caawin karaan waddanka aad u safrayso.

    Qaado taleefanka gacanta.

  • U sheeg qof aad ku kalsoon tahay

    La hadal qof aad ku kalsoon tahay ka hor intaadan bixin. Kani wuxuu noqon karaa saaxiib ama qof weyn oo iskuulkaaga jooga, tusaale ahaan. Waxaad qofka siin kartaa koobi ka mid ah baasaboorkaaga. Waxaad sidoo kale u sheegi kartaa taariikhda ugu dambeysa goorta ay tahay inay kaa war maqlaan. Haddii aadan la xiriirin iyaga, waxay wici karaan booliiska.

  • Soo ogow waxa khuseeya dalka aad u socoto

    Soo ogow sharciyada khuseeya guurka dalka aad u socoto. Sidoo kale waa fikrad wanaagsan inaad ogaato caawinaadda aad heli karto markaad halkaas joogto.

Caawinaad haddii aad joogto meel ka baxsan Iswiidhan

La xiriir safaaradda Iswiidhan ee waddanka aad joogto. Waa kuwan tusaalooyin ka mida waxa ay qaban karaan:

Waxay ku siinayaan talo iyo taageero.

  • Kaa caawinayaan inaad la xiriirto dadka ama hay'adaha sida adeegyada bulshada ee Iswiidhan.
  • Kaa caawinayaan inaad hesho qareen ama dhakhtar.
  • Baarayaan waxa la sameyn karo si aad ugu laabato Iswiidhan.
  • Halkan waxaad ka heli doontaa faahfaahinta xiriirka dhammaan safaaradaha iyo qunsuliyadaha Iswiidhan ee waddamada kale (linkiga bogga internetka ee Iswidhishka).

Waxaad sidoo kale wici kartaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda (Utrikesdepartementet, UD) ee Iswiidhan. Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay leedahay khad caawinaad oo 24 saacadood ah oo la yiraahdo UD-jouren. Lambarka taleefanka: +46 (0)8 405 50 05.

Waxaa laga yaabaa inaad u baahato taageero iyo caawinaad intaa ka dib

Waxaa laga yaabaa inaad u baahato taageero haddii lagugu qasbay inaad guursato ama aad dibadda joogto.

Waxaad ka heli kartaa caawinaad:

  • Rugta caafimaadka dhalinyarada ama adeegga taageerada haddii aadan dareemayn fiicnaan.
  • Adeegyada bulshada haddii aadan sii wadi karin inaad guriga ku noolaato.
  • Booliiska haddii aad khatar ku jirto.

In badan oo soomaali ah

  • Ku saabsan xarumaha caafimaadka ee dhalinyarada

    Waxaad ka heli kartaa noocyo badan oo caawinaadka iyo taageero ah rugta caafimaad ee dhalinyarada. Tusaale ahaan, waxaad weydiin kartaa su'aalo ku saabsan jirkaaga ama galmada. Waxaad sidoo kale la hadli kartaa qof haddii aad u baahato.

  • Gudniinka xubinta taranka ee dumarka – xalaaleynta xubinta taranka

    Gudniinka xubinta taranka dumarka ayaa waxa sidoo kale loo yaqaanaa xalaaleynta xubinta taranka. Taasi micnaheedu waxa weeye in qof uu gooyey ama uu dhaawacay qaybo ka mid ah xubinta taranka ee dumarka. Waxa jira caawimaad fiican oo aad heli kartid haddii aad dhibaato dareemayso gudniinka kadib.

  • Artikel innehåller video

    Sida loo xidho kondhomka

    Waa muhiim inaad si sax ah u isticmaasho kondhomka si aad u hesho ilaalinta kugu habboon. Halkan waxaad ku baran doontaa sida loo xidho kondhomka.

  • Iibinta galmada — in wax laguugu siiyo in aad galmo sameyso

    Iibinta galmada macnaheedu waa in qof lacag kugu siiyo si aad wax galmo ah u sameyso. Waxaad u samayn kartaa sababtoo ah waad rabtaa ama sababtoo ah waxaad dareemaysaa in lagugu qasbayo. Waa wax caadi ah inaad dareento xumaan ka dib markaad iibiso galmada. Waxaa jira taageero iyo caawinaad la heli karo.

  • Faraxumaynta galmada

    Faraxumayn galmo macnaheedu waa in qof uu kugu sameeyay wax galmo ah inkastoo aadan rabin. Waa dambi. Marna khaladkaaga ma aha haddii ay kugu dhacdo.

  • Waa maxay rabshadaha sharafta ku salaysan iyo dulmiga?

    Ma lagu xakameynayaa ama lagu hanjabayaa si loo ilaaliyo sumcadda qoyskaaga? Tan waxaa loo yaqaan rabshadaha sharafta ku salaysan iyo dulmiga. Tani ma fiicna waxayna noqon kartaa sharci darro. Waxaad xaq u leedahay inaad hesho caawinaad.

  • Caawimo hadii handadaad ama waxyeelo qoyskaagu kuu gaysteen jinsigaaga ama doorashada galmo darteed (sexuella läggning eller könsidentitet)

    Qoyskiinku miyuu ka cabsi qabaa in aad ceebayso hadii aad khaniis, labeeb, mid jinsigiisa badalay ama mid jinsiguu doono u galmoonda ama iska dhigi kara (queer) aad tahay? Dhaqankaaga ama diintaadu miyay yihiin kuwo qoyskaaga iyo bulshada kaa dhex saaraya hadii aad cadeysato qofka dhabta ah ee tahay? Mise waad qarsanaysaa, si aan qarabadaadu handadaad iyo waxyeelo kuugu geysan? Xaq ayaad u leedahay in aad noqoto qofkii aad doonto isla markaana waxaad helaysaa caawimo iyo garab.

  • Siigeysigu ma u xun yahay jirka?

    Maya, siigeysigu uma xuma jirka. Waxaa jira khuraafaad badan oo been abuur ah oo ku saabsan siigeysiga iyo sida ay u saameyn karto jirka.

  • Ma wax caadi ah baa in la daawado filimada galmada?

    Ma wax caadi ah baa in la daawado filimada galmada?

  • TAad bogga xaggiisa sare