Dhaqso uga bax bogga!

Gudniinka xubinta taranka ee dumarka – xalaaleynta xubinta taranka

Omskärelse av snippan | Könsstympning - somaliska

Gudniinka xubinta taranka dumarka ayaa waxa sidoo kale loo yaqaanaa xalaaleynta xubinta taranka. Taasi micnaheedu waxa weeye in qof uu gooyey ama uu dhaawacay qaybo ka mid ah xubinta taranka ee dumarka. Waxa jira caawimaad fiican oo aad heli kartid haddii aad dhibaato dareemayso gudniinka kadib. FG: sawirro xassaasi ah!

Waxaad wali ku raaxeysan kartaa galmada

  • Nooca ay doonto xubintaada taranka ee dumarka ha u ekaatee, waxaad weli dareemi kartaa rabitaan galmo oo aad ku raaxaysan kartaa galmada, kaligaa iyo dadka kale labadaba.
  • Nooca ay doonto xubintaada taranka ee dumarka ha u ekaatee, waxaad weli dareemi kartaa rabitaan galmo oo aad ku raaxaysan kartaa galmada, kaligaa iyo dadka kale labadaba.
  • Waxa jira meelo kale oo badan oo jirka ku yaalla oo raaxo laga dareemo marka la taabto.
  • Waxay biyuhu kaa iman karaan xataa haddii lagugu guday.

Waxa dhibaato kuu keeni kara gudniinka

Dadka qaar loo sameeyey gudniinka xubinta taranka dumarka ayaan wax dhibaato ahba dareemin. Halkan waxa ku yaala qaar ka mid ah dhibaatooyinka aad la kulmi karto haddii lagugu guday:

  • Waxa kugu adkaan karta kaadida. Waxay qaadan kartaa wakhti dheer ama way ku xanuujin kartaa. Waxaad marar badan qaadi kartaa infakshanka kaadi mareenka.
  • Waxa dhici karta inaad dhibaato kala kulanto caadada. Waxay noqon kartaa mid xanuun badan ama waxa adkaan karta in dhiigga caadadu si fudud uga soo baxo.
  • Waxa dhici karta inaad dareento cidhiidhi ama xanuun markaad galmoonayso. Xanuunku waxa uu noqon karaa mid aad u daran oo aanay suurtagal noqon in galmo la sameeyo.
  • Qaybaha bannaanka ee xubinta taranka dumarka iyo qaybo kale oo ka mid ah xubinta taranka ayaa ku xanuuni kara. Waxa ku samaysmi kara nabaro iyo buurbuurro xanuun leh.

Caawimo ayaa la heli karaa

Waxaad tagi kartaa rugta caafimaadka dhalinyarada (ungdomsmottagning) ama xarunta daryeelka caafimaadka (vårdcentral) haddii aad qabto dhibaatooyin ka dhashay gudniinka gabdhaha (FGM). Waxaad la hadli kartaa kalkaalisada iskuulka haddii aad dhigato iskuulka.

Waxaa jira xarumo ku yaal saddex meelood oo kala duwan oo Iswiidhan ah kuwaas oo ku takhasusay daaweynta dhibaatooyinka uu sababo gudniinka gabdhaha. Waxaad tagi kartaa xarun meel kasta oo aad kaga nooshahay Iswiidhan (linkiyadu waxay ku geynayaan bogag internet oo af Iswiidhish ah).

Caawimada aad heli karto:

  • Umuliso ama dhakhtar ayaa hubin kara in lagu guday iyo in kale. Waxa laga yaabaa inaanad si buuxda u hubin in lagu guday iyo in kale.
  • Waxa suurtogal ah in qaliin loo sameeyo daloolka xubinta taranka ee la isku tolay si mar kale dib loogu furo. Marmarka qaarkood ayaa taas loo baahan yahay haddii aad rabto inaad galmo samayso ama aad ilmo dhasho.
  • Waxaad heli kartaa caawimo ah in lagaa saaro buurbuurrada ku yaalla kintirka haddii ay xanuun kuu keenayaan.
  • Waxaad la hadli kartaa qof haddii aad wax xun dareemeyso, tusaale ahaan inaad xasuusaneyso gudniinka.

Shaqaaluhu waxa saaran waajibka sir haynta, taas oo macnaheedu yahay inaanay cidna u sheegi doonin inaad daryeel caafimaad raadsanayso.

Waa sharci darro in la sameeyo gudniinka gabdhaha

  • Waa adiga ikhtiyaarkaaga haddii aad rabto inaad qof u sheegto in lagu guday. Sidoo kale waa adiga ikhtiyaarkaaga haddii aad rabto inaad qof tusto sida ay u egtahay. Ma aha wax dambi ah in lagu guday.
  • Laakiin waa sharci darro in qof lagu sameeyo gudniinka gabdhaha. Qof kasta oo qorsheeya gudniinkan, qof kale ka codsada inuu sameeyo ama isaga laftiisu sameeya ayaa sharciga jebinaya. Tani waxay khusaysaa xataa haddii aad tagto waddan kale si gudniinka loogu sameeyo halkaas.
  • Ma ka welwelsan tahay in qof lagu sameeyo gudniinka gabdhaha? La xidhiidh adeegga bulshada ama booliiska. Waxa aad la hadli kartaa kalkaalisada dugsiga ama qof weyn oo kale oo aad ku kalsoon tahay.

In badan oo soomaali ah

  • Ku saabsan xarumaha caafimaadka ee dhalinyarada

    Waxaad ka heli kartaa noocyo badan oo caawinaadka iyo taageero ah rugta caafimaad ee dhalinyarada. Tusaale ahaan, waxaad weydiin kartaa su'aalo ku saabsan jirkaaga ama galmada. Waxaad sidoo kale la hadli kartaa qof haddii aad u baahato.

  • Xuubka bikrada ma jiro

    Dad badan ayaa aaminsan in uu jiro xuub khafiif ah oo daboolaya afka hore ee xubinta taranka haweenka. Laakiin taasi waa khuraafaad. Xuubka bikrada ma jiro. Ma jiro wax jabaya marka ugu horreysa ee aad galmo sameyso.

  • Artikel innehåller video

    Sida loo xidho kondhomka

    Waa muhiim inaad si sax ah u isticmaasho kondhomka si aad u hesho ilaalinta kugu habboon. Halkan waxaad ku baran doontaa sida loo xidho kondhomka.

  • Iibinta galmada — in wax laguugu siiyo in aad galmo sameyso

    Iibinta galmada macnaheedu waa in qof lacag kugu siiyo si aad wax galmo ah u sameyso. Waxaad u samayn kartaa sababtoo ah waad rabtaa ama sababtoo ah waxaad dareemaysaa in lagugu qasbayo. Waa wax caadi ah inaad dareento xumaan ka dib markaad iibiso galmada. Waxaa jira taageero iyo caawinaad la heli karo.

  • Waa maxay faraxumaynta galmada?

    Faraxumayn galmo macnaheedu waa in qof uu kugu sameeyay wax galmo ah inkastoo aadan rabin. Waa dambi. Marna khaladkaaga ma aha haddii ay kugu dhacdo.

  • Ma ka baqeysa in lagugu qasbo guur

    Adiga keliya ayaa go'aansan kara inaad guursato iyo in kale. Qofna looma oggola inuu ku qasbo, ku qanciyo ama kugu khiyaaneeyo inaad guursato. Waa sharci darro.

  • Waa maxay rabshadaha sharafta ku salaysan iyo dulmiga?

    Ma lagu xakameynayaa ama lagu hanjabayaa si loo ilaaliyo sumcadda qoyskaaga? Tan waxaa loo yaqaan rabshadaha sharafta ku salaysan iyo dulmiga. Tani ma fiicna waxayna noqon kartaa sharci darro. Waxaad xaq u leedahay inaad hesho caawinaad.

  • Caawimo hadii handadaad ama waxyeelo qoyskaagu kuu gaysteen jinsigaaga ama doorashada galmo darteed (sexuella läggning eller könsidentitet)

    Qoyskiinku miyuu ka cabsi qabaa in aad ceebayso hadii aad khaniis, labeeb, mid jinsigiisa badalay ama mid jinsiguu doono u galmoonda ama iska dhigi kara (queer) aad tahay? Dhaqankaaga ama diintaadu miyay yihiin kuwo qoyskaaga iyo bulshada kaa dhex saaraya hadii aad cadeysato qofka dhabta ah ee tahay? Mise waad qarsanaysaa, si aan qarabadaadu handadaad iyo waxyeelo kuugu geysan? Xaq ayaad u leedahay in aad noqoto qofkii aad doonto isla markaana waxaad helaysaa caawimo iyo garab.

  • Siigeysigu ma u xun yahay jirka?

    Maya, siigeysigu uma xuma jirka. Waxaa jira khuraafaad badan oo been abuur ah oo ku saabsan siigeysiga iyo sida ay u saameyn karto jirka.

  • Ma wax caadi ah baa in la daawado filimada galmada?

    Ma wax caadi ah baa in la daawado filimada galmada?

  • TAad bogga xaggiisa sare