Dhaqso uga bax bogga!

Siigeysigu ma u xun yahay jirka?

Är det dåligt för kroppen att onanera? - somaliska

Ku akhri qoraalka af Iswiidhish, Ingiriisi ama Carabi.

Umulisada Sofia Alsing ayaa ka jawaabaysa:

Maya, siigeysigu uma xuma jirka. Waxaa jira khuraafaad badan oo been abuur ah oo ku saabsan siigeysiga iyo sida ay u saameyn karto jirka.

  • Kuma daciifi doontid ama kuma xanuunsan doontid siigeysiga.
  • Siigeysigu kama dhigayo mid adag inaad carruur dhasho.
  • Siigeysigu uma xuma jirkaaga ama caafimaadkaaga si kastaba ha ahaatee.

Dad badan ayaa siigeysta, iyadoon loo eegin jinsiga qofka. Qaarkood badanaa way sameeyaan, kuwa kalena si yar ayay u sameeyaan. Waa kuwan tusaalooyin ka mid ah waxyaabaha wanaagsan ee ku saabsan siigeysiga:

  • Markaad siigeysato, waxaad ogaan kartaa waxa raaxo kuu ah.
  • Siigeysigu waa hab fudud oo lagu qanciyo rabitaankaaga galmada.
  • Uma baahnid lammaane si aad u siigeysato.

In badan oo soomaali ah

  • Ku saabsan xarumaha caafimaadka ee dhalinyarada

    Waxaad ka heli kartaa noocyo badan oo caawinaadka iyo taageero ah rugta caafimaad ee dhalinyarada. Tusaale ahaan, waxaad weydiin kartaa su'aalo ku saabsan jirkaaga ama galmada. Waxaad sidoo kale la hadli kartaa qof haddii aad u baahato.

  • Gudniinka xubinta taranka ee dumarka – xalaaleynta xubinta taranka

    Gudniinka xubinta taranka dumarka ayaa waxa sidoo kale loo yaqaanaa xalaaleynta xubinta taranka. Taasi micnaheedu waxa weeye in qof uu gooyey ama uu dhaawacay qaybo ka mid ah xubinta taranka ee dumarka. Waxa jira caawimaad fiican oo aad heli kartid haddii aad dhibaato dareemayso gudniinka kadib.

  • Artikel innehåller video

    Sida loo xidho kondhomka

    Waa muhiim inaad si sax ah u isticmaasho kondhomka si aad u hesho ilaalinta kugu habboon. Halkan waxaad ku baran doontaa sida loo xidho kondhomka.

  • Iibinta galmada — in wax laguugu siiyo in aad galmo sameyso

    Iibinta galmada macnaheedu waa in qof lacag kugu siiyo si aad wax galmo ah u sameyso. Waxaad u samayn kartaa sababtoo ah waad rabtaa ama sababtoo ah waxaad dareemaysaa in lagugu qasbayo. Waa wax caadi ah inaad dareento xumaan ka dib markaad iibiso galmada. Waxaa jira taageero iyo caawinaad la heli karo.

  • Waa maxay faraxumaynta galmada?

    Faraxumayn galmo macnaheedu waa in qof uu kugu sameeyay wax galmo ah inkastoo aadan rabin. Waa dambi. Marna khaladkaaga ma aha haddii ay kugu dhacdo.

  • Ma ka  baqaysaa in lagugu qasbo guur

    Adiga keliya ayaa go'aansan kara inaad guursato iyo in kale. Qofna looma oggola inuu ku qasbo, ku qanciyo ama kugu khiyaaneeyo inaad guursato. Waa sharci darro.

  • Waa maxay rabshadaha sharafta ku salaysan iyo dulmiga?

    Ma lagu xakameynayaa ama lagu hanjabayaa si loo ilaaliyo sumcadda qoyskaaga? Tan waxaa loo yaqaan rabshadaha sharafta ku salaysan iyo dulmiga. Tani ma fiicna waxayna noqon kartaa sharci darro. Waxaad xaq u leedahay inaad hesho caawinaad.

  • Caawimo haddii aad kala kulanto qoyskaaga hanjabaad ama rabshad sabab la xiriirta jihayntaada galmo ama aqoonsiga jinsigaaga

    Qoyskiinku miyuu ka cabsi qabaa in aad ceebayso hadii aad khaniis, labeeb, mid jinsigiisa badalay ama mid jinsiguu doono u galmoonda ama iska dhigi kara (queer) aad tahay? Dhaqankaaga ama diintaadu miyay yihiin kuwo qoyskaaga iyo bulshada kaa dhex saaraya hadii aad cadeysato qofka dhabta ah ee tahay? Mise waad qarsanaysaa, si aan qarabadaadu handadaad iyo waxyeelo kuugu geysan? Xaq ayaad u leedahay in aad noqoto qofkii aad doonto isla markaana waxaad helaysaa caawimo iyo garab.

  • Ma wax caadi ah baa in la daawado filimada qaawan?

    Ma wax caadi ah baa in la daawado filimada qaawan?

  • TAad bogga xaggiisa sare