Dhaqso uga bax bogga!

Caawimo haddii aad kala kulanto qoyskaaga hanjabaad ama rabshad sabab la xiriirta jihayntaada galmo ama aqoonsiga jinsigaaga

Stöd om du är utsatt för hot eller våld av familjen på grund av din sexuella läggning eller könsidentitet - somaliska

Qoyskaagu ma ka cabsi qabaa inay waayaan sharaftooda sababtoo ah waxaad tahay khaniis, laba-jinsiile, qof jinsigiisa beddelay ama queer?Dhaqankaaga ama diintaadu ma kugu keenayaan khatar ah in qoyskaaga ama bulshadaada diineed ay ku diidaan sababtoo ah waxaad tahay qofka aad tahay? Mise ma qarinaysaa qofka dhabta ah ee aad tahay si aad isaga ilaaliso hanjabaad ama rabshad uga timaadda qoyskaaga? Waxaad xaq u leedahay inaad noqoto qofka aad tahay, waxaana jira caawimo iyo taageero aad heli karto.

Ku akhri qoraalka af Iswiidhish, Ingiriisi ama Carabi.

Way fiicnaan doontaa xataa hadii aanad aaminsanayn

Filimkan wuxuu ku salaysan yahay waraysiyo laga qaaday dhalinyaro LGBTQ ah.

Waxaad la hadli kartaa qof adigoon sheegin aqoonsigaaga

Waa in aad xaaladaada cid uun uga waranto, xataa hadii ay kugu adagtahay. Markaas ayaad heli kartaa taageero. Waxaad dooran kartaa inaadan sheegin aqoonsigaaga.

Liiska hoose waxa ku qoran ururo aad la xiriiri karto adigoon sheegin aqoonsigaaga. Dadka ka shaqeeya meeshaas waa kuwo yaqaana sida loo dhagaysto qof xaaladaada oo kale ku jiro. Sidoo kale waxay ku siin karaan talo meesha aad kula kulmi karto dad xaaladaada oo kale ku jira.

Qadka Wasaarada Arrimaha Dibadda, Wasaarada Arrimaha Dibada ee Iswiidhan

Ka soo wac Qadka Tooska ah ee Wasaarada Arrimaha Dibada haddii uu qof kugu qasbay inaad dibada aadid oo aad u baahan tahay caawimaad si aad ugu soo laabato gurigaaga. Qadka wuxuu furanyahay 24 saacadood maalintii. Lambarka taleefonka: +46 (0)8 405 50 05

Waxaad heli kartaa caawinaad haddii laguu geysto hanjabaad ama rabshad

Hay’ada daryeelka bulshada (Socialtjänsten)

La xidhiidh hay’ada daryeela bulshada (socialtjänsten) hadii aad ka baqanayso in ay wax kugu dhacaan, ama aad u baahan tahay taageero ama ilaalin lagaa siiyo hanjabaad ama rabshad. Way ku caawin karaan iyagu. Tusaale ahaan, waxay kuu diyaarin karaan meel ammaan ah oo aad si ku meel gaar ah u degto.

Waxaad ka helikartaa meesha aad kala xidhiidhayso hay’ada daryeelka bulshda (socialtjänsten) website ka kamuunka. Sidoo kale waxaad ka heli kartaa meesha aad kala xidhiidhayso socialtjänsten tusaale ahaan liiska halkan sare yaala.

Markaad caawimaad ka raadsanayso hay’ada daryeelka bulshada (socialtjänsten) waa in aad sheegtaa qofka aad tahay. U sheeg hadii aad ka cabsi qabto in qoyskaagu dhaawac kuu geystaan hadii ay ogaadaan in aad cawimaad raadsatay. Markaas ayay Socialtjänsten ku gaynayaan meel amni ah intaanay la xidhiidhin waalidkaa ama cida masuulka ah ee aad la dagan tahay.

Hay’da daryeelka bulshadu (socialtjänsten) waxay ku khasban tahay in ay la xidhiidhaan cida masuulka kaa ah ee aad la dagan tahay hadii aad ka yar tahay 18 jir. Lakiin khasab maaha in ay u sheegaan wixii aad ku tidhi oo dhan. Marmarka qaar waxii aad sheegtay in kamid ah sir bay noqon kartaa. Tusaale ahaan hadii ay jirto khatar ah in qoyskaagu dhib kuu geysto haday ogaadaan.

112  iyo Booliska

Wac 112 hadii aad khatar degdeg ah ku sugantahay. Ka wac booliska 114 14 hadii aanay degdeg ahayn, ama +46 77 114 14 hadii aad wadanka dibadiisa joogto.

In badan oo soomaali ah

  • Ku saabsan xarumaha caafimaadka ee dhalinyarada

    Waxaad ka heli kartaa noocyo badan oo caawinaadka iyo taageero ah rugta caafimaad ee dhalinyarada. Tusaale ahaan, waxaad weydiin kartaa su'aalo ku saabsan jirkaaga ama galmada. Waxaad sidoo kale la hadli kartaa qof haddii aad u baahato.

  • Gudniinka xubinta taranka ee dumarka – xalaaleynta xubinta taranka

    Gudniinka xubinta taranka dumarka ayaa waxa sidoo kale loo yaqaanaa xalaaleynta xubinta taranka. Taasi micnaheedu waxa weeye in qof uu gooyey ama uu dhaawacay qaybo ka mid ah xubinta taranka ee dumarka. Waxa jira caawimaad fiican oo aad heli kartid haddii aad dhibaato dareemayso gudniinka kadib.

  • Artikel innehåller video

    Sida loo xidho kondhomka

    Waa muhiim inaad si sax ah u isticmaasho kondhomka si aad u hesho ilaalinta kugu habboon. Halkan waxaad ku baran doontaa sida loo xidho kondhomka.

  • Iibinta galmada — in wax laguugu siiyo in aad galmo sameyso

    Iibinta galmada macnaheedu waa in qof lacag kugu siiyo si aad wax galmo ah u sameyso. Waxaad u samayn kartaa sababtoo ah waad rabtaa ama sababtoo ah waxaad dareemaysaa in lagugu qasbayo. Waa wax caadi ah inaad dareento xumaan ka dib markaad iibiso galmada. Waxaa jira taageero iyo caawinaad la heli karo.

  • Waa maxay faraxumaynta galmada?

    Faraxumayn galmo macnaheedu waa in qof uu kugu sameeyay wax galmo ah inkastoo aadan rabin. Waa dambi. Marna khaladkaaga ma aha haddii ay kugu dhacdo.

  • Ma ka  baqaysaa in lagugu qasbo guur

    Adiga keliya ayaa go'aansan kara inaad guursato iyo in kale. Qofna looma oggola inuu ku qasbo, ku qanciyo ama kugu khiyaaneeyo inaad guursato. Waa sharci darro.

  • Waa maxay rabshadaha sharafta ku salaysan iyo dulmiga?

    Ma lagu xakameynayaa ama lagu hanjabayaa si loo ilaaliyo sumcadda qoyskaaga? Tan waxaa loo yaqaan rabshadaha sharafta ku salaysan iyo dulmiga. Tani ma fiicna waxayna noqon kartaa sharci darro. Waxaad xaq u leedahay inaad hesho caawinaad.

  • Siigeysigu ma u xun yahay jirka?

    Maya, siigeysigu uma xuma jirka. Waxaa jira khuraafaad badan oo been abuur ah oo ku saabsan siigeysiga iyo sida ay u saameyn karto jirka.

  • Ma wax caadi ah baa in la daawado filimada qaawan?

    Ma wax caadi ah baa in la daawado filimada qaawan?

  • TAad bogga xaggiisa sare