Ma wax caadi ah baa in la daawado filimada galmada?
Är det okej att titta på porr? - somaliskaMa wax caadi ah baa in la daawado filimada qaawan?
Ma aha sharci darro in la daawado filimada qaawan oo ay ku jiraan keliya dadka ka weyn 18 sano. Laakiin waa mamnuuc in la daawado, la keydiyo ama la qaybiyo filimada qaawan oo ay ku jiraan dadka ka yar 18 sano.
Filimada qaawan waxay inta badan muujiyaan galmo si aan la mid ahayn sida galmadu tahay nolosha dhabta ah. Tani waxay saameyn kartaa waxaad u malaynayso in galmadu noqoto, waxa jirku u ekaan karo ama waxa dadka kale ay ku raaxaystaan.
Filimada qaawan waxay inta badan muujiyaan rabshado ama ceebayn gabdhaha iyo dumarka. Xusuusnow inay sharci darro tahay in qof lagu qasbo galmo ama rabshad loo isticmaalo qof kale.
Ma u baahan tahay inaad ka hadasho filimada qaawan?
Waxaad heli kartaa taageero haddii aad qabto su’aalo, aad ka xun tahay isticmaalka filimada qaawan, ama aad sahaminayso ama aad su’aalo ka qabto dareenkaaga galmo – tusaale ahaan waxyaabaha kugu kiciya kacsi.
La xiriir rugta caafimaadka dhalinyarada (ungdomsmottagning).
Wac ama la sheekayso PrevenTell (isku xirka mareegta af Iswidhishka), kaas oo ah khad caawinaad qaran oo loogu talagalay dadka ka walwalsan galmada naftooda ama tan qof kale.