Dhaqso uga bax bogga!

UMO oo ku qoran af Soomaali

UMO.se waa bog internet oo loogu talagalay dhalinyarada da'doodu u dhaxayso 13 iyo 25 sano.

UMO.se waxaad ka heli kartaa jawaabo ku saabsan su'aalaha galmada, caafimaadka iyo xiriirrada. Tusaale ahaan, waxaad ka heli doontaa macluumaad ku saabsan jirkaaga, xuquuqdaada iyo taageerada aad heli karto.

Qaar ka mid ah macluumaadka UMO waxaa lagu heli karaa luqado kale.

Current articles

  • Ma ka baqeysa in lagugu qasbo guur

    Adiga keliya ayaa go'aansan kara inaad guursato iyo in kale. Qofna looma oggola inuu ku qasbo, ku qanciyo ama kugu khiyaaneeyo inaad guursato. Waa sharci darro.

  • Gudniinka xubinta taranka ee dumarka – xalaaleynta xubinta taranka

    Gudniinka xubinta taranka dumarka ayaa waxa sidoo kale loo yaqaanaa xalaaleynta xubinta taranka. Taasi micnaheedu waxa weeye in qof uu gooyey ama uu dhaawacay qaybo ka mid ah xubinta taranka ee dumarka. Waxa jira caawimaad fiican oo aad heli kartid haddii aad dhibaato dareemayso gudniinka kadib.

  • Xuubka bikrada ma jiro

    Dad badan ayaa aaminsan in uu jiro xuub khafiif ah oo daboolaya afka hore ee xubinta taranka haweenka. Laakiin taasi waa khuraafaad. Xuubka bikrada ma jiro. Ma jiro wax jabaya marka ugu horreysa ee aad galmo sameyso.

  • Ma wax caadi ah baa in la daawado filimada galmada?

    Ma wax caadi ah baa in la daawado filimada galmada?

  • Siigeysigu ma u xun yahay jirka?

    Maya, siigeysigu uma xuma jirka. Waxaa jira khuraafaad badan oo been abuur ah oo ku saabsan siigeysiga iyo sida ay u saameyn karto jirka.

  • Artikel innehåller video

    Sida loo xidho kondhomka

    Waa muhiim inaad si sax ah u isticmaasho kondhomka si aad u hesho ilaalinta kugu habboon. Halkan waxaad ku baran doontaa sida loo xidho kondhomka.

  • Waa maxay rabshadaha sharafta ku salaysan iyo dulmiga?

    Ma lagu xakameynayaa ama lagu hanjabayaa si loo ilaaliyo sumcadda qoyskaaga? Tan waxaa loo yaqaan rabshadaha sharafta ku salaysan iyo dulmiga. Tani ma fiicna waxayna noqon kartaa sharci darro. Waxaad xaq u leedahay inaad hesho caawinaad.

  • Caawimo hadii handadaad ama waxyeelo qoyskaagu kuu gaysteen jinsigaaga ama doorashada galmo darteed (sexuella läggning eller könsidentitet)

    Qoyskiinku miyuu ka cabsi qabaa in aad ceebayso hadii aad khaniis, labeeb, mid jinsigiisa badalay ama mid jinsiguu doono u galmoonda ama iska dhigi kara (queer) aad tahay? Dhaqankaaga ama diintaadu miyay yihiin kuwo qoyskaaga iyo bulshada kaa dhex saaraya hadii aad cadeysato qofka dhabta ah ee tahay? Mise waad qarsanaysaa, si aan qarabadaadu handadaad iyo waxyeelo kuugu geysan? Xaq ayaad u leedahay in aad noqoto qofkii aad doonto isla markaana waxaad helaysaa caawimo iyo garab.

  • Iibinta galmada — in wax laguugu siiyo in aad galmo sameyso

    Iibinta galmada macnaheedu waa in qof lacag kugu siiyo si aad wax galmo ah u sameyso. Waxaad u samayn kartaa sababtoo ah waad rabtaa ama sababtoo ah waxaad dareemaysaa in lagugu qasbayo. Waa wax caadi ah inaad dareento xumaan ka dib markaad iibiso galmada. Waxaa jira taageero iyo caawinaad la heli karo.

  • Waa maxay faraxumaynta galmada?

    Faraxumayn galmo macnaheedu waa in qof uu kugu sameeyay wax galmo ah inkastoo aadan rabin. Waa dambi. Marna khaladkaaga ma aha haddii ay kugu dhacdo.

  • Ku saabsan xarumaha caafimaadka ee dhalinyarada

    Waxaad ka heli kartaa noocyo badan oo caawinaadka iyo taageero ah rugta caafimaad ee dhalinyarada. Tusaale ahaan, waxaad weydiin kartaa su'aalo ku saabsan jirkaaga ama galmada. Waxaad sidoo kale la hadli kartaa qof haddii aad u baahato.

  • All fakta på UMO.se är granskad av experter och uppdateras regelbundet. Här kan du läsa mer om hur vi jobbar med kvalitet på våra webbplatser.

    TAad bogga xaggiisa sare